Site icon Radio Daljir

Dhaqaale lagu wareejiyey agoontii uu ka dhintay Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamey)

Garoowe, June 05 – Munaasabad deeq lacageed loogu wareejinayo xigtadii iyo qoyskii uu ka dhintay alle ha u naxariistee Shiikh C/qaadir Nuur Faarax ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Jaamacada Bariga Africa ee Garoowe

Munaasabaddaan dhaqaalaha lagu gudoonsiinayey xigtada iyo Qoyska uu ka dhintay shiikhu ayaa waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Barlamanka Puntland ,Wasiirka cadaalada ,xildhibaano ,Duqa degmada Garowe ,salaadiin ay horkacayeen Islaan Ciise Islaan Maxamed ,Suldaan Siciid Maxamed Garaase ,Culimaa’udiinka Puntland iyo Somaliland.

Lacagtan ayaa badideeda laga soo aruuriyay Jaaliyada Waqooyiga America degan ,waxana isku darkeedu gaarayay $205 kun oo Doolar oo uu gudoomay wiilka ugu wayn caruurta Shiikh Cabdiqaadir.

Masuuliyiin iyo culimo ayaa ka hadlay munaasibada oo wax ka taabtay halgankii Shiikhu u soo galay fidinta dacwada iyo barbaarinta ubadka oo ay ka mid ahayd hirgelinta Jaamacada Bariga Africa oo ahayd jaamacadii ugu horeysey ee Puntland laga hirgaliyo.

Shiikh Yuusuf Aadan oo 45 sanno ka badan ay saaxiibo dhow ahaayeen Alle ha u naxariistee ?Shiikh Cabdiqaadir?Nuur Faarax oo ?ka yimid magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay hadiyaddaan tusale u tahay saamaynta uu shiikhu ku lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Islaan Ciise Islaam Maxmed ayaa si wayn ugu mahadceliyey dhammaan dadkii gacanta ka geystey deeqdaan lacageed waxaana uu alle uga baryey inuu? ajar iyo xasanaad ka siiyo taageerada ay siiyeen agoonta.

Diiwaanka wararka Daljir

?

?

Daljir.com

Exit mobile version