Dhaqaale intee la eeg ayuu Maraykanka ugu deeqay Soomaaliya?

Dhaqaale intee la eeg ayuu Maraykanka ugu deeqay Soomaaliya?

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay gargaar lacageed oo dhan 199 Malyan oo dollar ay ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay gudaha dalka iyo kuwa qaxootiga ku ah qaar ka mid ah wadamada deriska la ah Soomaaliya.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa qoraal ka soo baxay waxaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay ku kordhinayso lacag dhan ku dhawaad 199 milyan oo dollar, kaalmada bani’aadannimo ee ay sannadkaan ugu deeqday shacabka Soomaaliya siisay.

Mareykanka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay isu biirsadeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin sannado badan oo cunto-yari ah, qalalaaso iyo abaaro iyo fatahaado soo noqnoqday, taasoo ay uga sii dartay saameynta COVID-19 iyo ayax dhawaan ku habsaday dalka.

Deeqdaan lacageed ayay dowladda Mareykanka dadka Soomaaliyeed u sii marsiisay Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Mareykanka ee loo soo gaabiyo (USAID) iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda. Waxana tani ay ka dhigeysaa in guud ahaan sanadkaan 2021-ka ay dowladda Mareykanka ugu deeqday dadka Soomaaliya lacag ka badan $408 milyan oo doolar.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in lacagtaan lagu caawin doono dad gaaraya lix milyan oo Soomaali ah oo hadda u baahan gar-gaar bani’aadannimo. Dadkaan ayaa waxaa ka mid ah sadddex milyan oo qof oo ku barakacay gudaha dalka iyo ku dhawaad nus milyan qof oo qaxooti ku ah xeryaha qaxootiga ee dalalka Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com