Site icon Radio Daljir

Dhallinyaro Puntland ugu Xirnaa al-Shabaabnimo oo la Siidaayey (dhegayso)

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xoriyadoodii u celisay  11 maxbuus oo ku eedaysanaa in ay katirsanaayeen Ururka Alshabab ka dib muddo sadex bilood ah oo ay ku xirnayeen Saldhiga bartamaha ee  magaalada Boosaaso.

Siidaynta  maxabiisata ku eedaysnaa  in ay ka tirsanaayeen  Ururka Alshabab ayaa timid kadib markii ay Haya’daha dambi baarista Ciidmada Booliska Puntland ay ku wayeen ragan dambigii lagu soo oogay.

Hadaba Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee dowlada Puntland Cabdifataax  Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xoriyadda raggan  waxaana intaasi kadib dareenkooda ka hadlay dhalinyaradii ku eedaysnaa kiiskan oo ahaa in ay ka tirsanaayeen Ururka Al-shabaab.

Hoos kadhagayso guddoomiyaha maxkamadda

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/590f3f1e070100103e9ba4b0/Guddoomiyaha+Maxakmadda+Cabdifataax+Xaaji+Aadan.mp3?_=1

  

Exit mobile version