Dhalinyaro lagu dilay Columbus oo Aas loo sameyeey

Dhalinyaro lagu dilay Columbus oo Aas loo sameyeey

Boqolaal Soomaali ah ayaa ka soo qeybgashay aas si wada jir ah loogu sameeyay labo dhalinyaro oo maalinimadii sabtida lagu dilay mid kamid ah xaafadaa magaalada Columbus.

Dhalinyaradan waxa ay wada saarnaayeen halgaari waxaana loo tooktay si isku mid ah.

Booliska oo goobta yimid ayaa qaaday medka kuna wargaliyay laamaha amaanka in la dilay labo dhalinyara ah oo wali aan la hayn dadkooda waxaase maalin kadib ogaaday eheladooda oo lagu wareejiayay.

Maanta ayaa lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee Columbus Ohio waxaana ka soo qeybgalay dad aad u baddan oo ka murugsan Dilalka loo geystay dhalinyaradaasi oo lagu kala magacaabi jiray C/laahi Sacid Sharif oo 30 jir ahaa & Cabdiqaaliq Sacid Maxmed oo 20 jir ahaa.

Ehelada labadan dhalinyarada ahaa waxa ay noo xaqiijiyeen in aysan ilaa iminka helin wax faahfaahin ah oo la xariirta dilkooda baaritaan aysan ka hordhici karina uu socdo.

Culumadii iyo waxgaradkii ka hadlay meesha ayaa aad uga walaacay dilkan iska socda ee aan ilaa iminka cidna maxkamad la soo taagin

Sanadkii hore 2017 ayay ahayd markii 8 dhalinyaraa lagu dilay Columbus kuwaas oo sida la sheegay Soomaalida dhexdeeda ay mushkiladu ahayd.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com