Dhalinyaro ka tirsan Alshabaab oo isku soo dhiibay maamulka dawladda ee gobolka Baay.

Baydhabo, Dec, 25- Wararka ay daljir ka helayso gobolka Baay ayaa soo sheegaya in maamulka dawladda ee gobolkaasi ay isku soo dhiibeen dhalinyaro ka tirsanaa xooggaga Alshabaab.


Taliyaha qaybta booliska gobolka Baay Mahad Cabdi Raxmaan? oo isagoo jooga magaalada Baydhabo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay dhalinyaradaasi isa soo dhiibtay iyo qaabka ay dawladda ugu soo biireen, inkastoo uusan sargaalkaasi sheegin tirada rasmigaa ee dhalinyarada ka soo baxday Alshabaab.


Taliyaha ayaa sheegay in maalmihii dambe ay isa soo tarayeen dagaal-yanada ka tirsan xarakada Alshabaab ee ku soo biiraysa dawladda, kuwaasoo laga dareemayay gobolada Baay iyo Bakool.


Saraakiisha ciidanka dawladda ayaa tilmaamay in arintani ay soo dadajisay ka dib cadaadis dawladda iyo taageerayaasheeda ay saareen ciidanka wali Alshabaab ka sugan gobolada dhaca koonfur galbeed ee Soomaaliya, sidoo kale wali dagaalo ayaa deegaano isla gobolkaa ku dhex maraya ciidanka dawladda iyo miltariga Itoobiya oo isku dhinaca iyo xarakada Alshabaab.


Diiwaanka Wararka Daljir


Baydhabo


(S)

Home – Default

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso abaalmarin AMAL Bank. "AMAL BANK. YOUR FUTURE. OUR MISSION."

AMAL Bank ku Dirso, ku Keydso, ku Maalgasho! Hadaba si aad u hesho abaalmarin AMAL BANK qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]
AMAL Bank. "Your Future. Our Mission"

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0