Dhalinyaradda Magaaladda Qabri Dahar ee DDS oo bilaabay Barnaamij lagu ciidsinayo danyarta

Dhalinyaro iskood isku abaabulay oo ku sugan Qabri Dahar ayaa bilaabay barnaamij tabarucaad oo ay ku farxad galinayaan dadka dan yarta ah ee aan haysan wax au ku ciidaan furista bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Dhalinyartan oo aasaasay Hay’ad ay ugu magac dareen Ramadan Charity Foundation 9kii Bishii March ee kal hore waxaa fikirka lagu aasaasay iska lahaa dhalinyarada magaalada Qabri Dahar.

Ururka samafalka ee Ramadan ee maamulka Magaalada Qabri Dahar ayaa ah urur u taagan inay caawiyaan dadka danyarta ah ee aan haysan waxay ku afuraan.

Waxaa kaloo RCF ay ku hawlan tahay inay ciidsiiyaan caruurta qoysaska dan yarta ah. Waxaana hawshaa ay haatan ka wadaan gudaha magaalada Qabri Dahar.

Barnaamijka “Ciidsii Walaalkaaga Aan Haysan Wax uu Ku Ciido” waxay dhalinyaradani ay ka qaadayaan lacagta ganacasatada magaalada Qabri Dahar iyo cid kasto oo ay la kulmaanba.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com