(Dhagyaso Warbixin) Kenya oo beenisay inay maamul u gaar ah ay ka hirgalinayaan Kismaayo.

Nairobi, Oct, 08 – Saaris Agundha oo ah afhayeenka melitariga Kenya ayaa isagoo ku sugan Kismaayo waxaa uu guud ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay muddooyinkii ugu dambeeyay qorayeen warbaahinta oo ku saabsanayd Kenya inay qorshe gaar ah ka leedahay magaalada Kismaayo.

Afhayeenka waraysi siiyay Radio Daljir ayaa sheegay in qorshaha Kenya uu yahay mid cad oo aan shaki ku jirin, waxaana uu hadalkiisa raaciyay Kenya inay ka go?antahay sidii ay gobolka uga sifayn-lahayd kooxda Al-shabaab.

Saaris Agudha, afhayeenka milatariga Kenaya waxaa uu carrabka ku dhuftay inay Kenya la shaqaynayso cid-kasta oo dawladda Soomaaliya ay u soo magacawdo Jubbooyinka, muhiimada ugu wayna ay ahayd in magaaladaasi iyo guud ahaanba Jubbooyinka laga saaro Al-shabaab.

Haddaba warbixin koobaysa arrimahaasi oo dhan waxaa Nairobi nooga soo diray wakiilka Radio Daljir Kenya Maxamed Xaaji Xassan Abuukar.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com