DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Xariga ka jaray waddo Laami ah Gudaha Boosaaso

Burtinle, 29, Febru, 2016 -(Daljir)_Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta  xadhigga ka jaray waddo laami ah oo laga hirgeliyey gudaha magaalada Boosaaso gaar ahaan dhabarka masaajidka Darayle ee ku yaalla bartamaha suuqqa weynee Boosaaso.
 
Dhismaha Waddadan ayaa  gaadheya 600Mitir(lix boqol oo mitir) waxaana iska kaashaday dhaqaalaha ku baxay waddadan ganacsatada reer Boosaaso iyo dawladda hoose ee Degmada Boosaaso.
 
Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa waxa uu xadhigga kajaray Buundo hore u bur-burtay , taas oo ay si wada jir ah u dhagax dhigeen dhismeheeda MadaxweynahaDawladda Puntland, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiya Baarlamaanka Dawladda  Puntland, isla markaana ay dhistay Dawladda Hoose ee Degmada Boosaaso .
 
Duqa degmada Bosaso , gudoomiyaha gobolka Bari iyo madaxwayne kuixgeenka ayaa siwadajir ah warbaahinta ula hadlay , waxaana hadalka ku hormaray duqa degmada Bosaaso Eng Yaasiin Mire Maxamuud
 
 
DHAGEYSO

Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com