HomeUncategorized

(DHAGEYSO) Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida oo ka hadlay Maxaabiista Laga qabtay Shabaab

March 24 2016 (DALJIR)- Ciidanka diifaaca ee dowladda Puntland ayaa waxa ay dhowaan deegaanka Suuj kusoo qabteen 31 maxaabiis ah oo katirsanaa Alshabaab, iyadoona 14 kamid ah lasheegay inaysan qaangaar ahayn, taasi oo ay dadbadani wax iska waydiiyeen qaabka maxkamadayntooda loo wajahayo.

Mawro Caasha C. Geesdiir oo hogaaminaysa wafti ka socda ururada haweenka ee Banaadir oo ka hadashay booqasho ay ku yimaadeen Puntland.
Baahin: Khamiis, 14 Nov 2013, Caawa Iyo Daljir, Weriye Khadar Cawl Ismaaciil ~ Daljir ~ Buuhoodle
Askari ka tirsan ciidanka ammaanka Galkacyo oo lagu dilay hawlgal waddo bannayn ah iyo mid lagu dhaawacay.
 

Ciidanka diifaaca ee dowladda Puntland ayaa waxa ay dhowaan deegaanka Suuj kusoo qabteen 31 maxaabiis ah oo katirsanaa Alshabaab, iyadoona 14 kamid ah lasheegay inaysan qaangaar ahayn, taasi oo ay dadbadani wax iska waydiiyeen qaabka maxkamadayntooda loo wajahayo.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Puntland Cabdi Kariin Xasan Firdhiye, oo maanta lahadlayey Daljir ayaa sheegay in maxkamaddu ay dhammaan maxaabiista ka qaaday baaris hordhac ah xabsi xalaalayna u goysey maadaama aan weli maxaabiista qayb kamid ah xabsiyada waaweyn lasoo gaarsiin.

Firdhiye oo kahadlayey maxkamadaynta maxaabiista ayaa waxa uu sheegay in dhammaantooda sharciga lahorgeyn doono, wuxuuse xusay in dadka aan qaangaarka ahayn lagu qaadi dooni shuruucda caalamiga ah ee ah inaan lagu qaadin ciqaabta dadka qaangaarka ah.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: