Site icon Radio Daljir

(DHAGEYSO) Waxgaradka Gobalka Hiiraan oo labo u kala qeybsamay

March 28, 2016 (Daljir)- Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayay maalmo ku qaadatay sidii uu kala furfuri lahaa Odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan oo horey u diidey shirka magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa ku guuleystay in 4 kamid ah Ugaasyada Beelaha gobalka Hiiraan ay ogolaadaan in ay tagaan gogosha Jowhar oo ay qeyb ka noqdaan shirka maamulkaas lagu dhisayo.

Nabadoon Dacar Xirsi ayaa dhaliiley qorshaha M/weynaha dawladda Faderaalka Xassan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay in aysan aqbaleyn kala qeybinta Odayaasha gobalka Hiiraan.

Dhinaca kale Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Aadan oo ka mid ah Saxiixayaasha qorshaha dawladda ayaa difaacay go’aankooda, loona baahan yahay in ay bulshadu qeyb ka noqdaan dhismaha dawladnimada.

https://daljir.com//resources2/files/Dacar.MP3?_=1
Exit mobile version