Dhageyso Wararkii ugu dambeeyey Howlgaladda ciidamada Puntland ee Garacad

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ay ciidamada dawladda Puntland horumar ka sameeyeen howgaladdi maanta laga fuliyey deegaanka Garacad Koonfurtiisa, gaar ahaana deegaanka Dhinowda.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Daljir in ay arkayeen ciidamada oo maxaabiis gacanta ku dhigey, sidaas oo kale Goobjoogahan wuxuu cadeeyey in kooxaha soo duulay laga saaray deegaanadii ay ku dhuumanayeen.

Ciidamada Puntland ee kusugan Aaga Garacad ayaa saacadihii ugu dambeeyey ku howlanaa sidii loo soo afjari lahaa howlgal baaxad weyn oo lagu qaaday Maleeshiyadii Ururka Shabaab ee kusoo duulay gobalada Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com