Dhageyso Shacabka Puntland oo soo dhaweeyey Guullaha ay gaareen ciidamada Difaaca

Shacabka magaalada Garoowe ee caasumada Puntland ayaa soo dhaweeyey ciidamadii ka soo laabtay furinta dagaalka ee Suuj oo ay kula dagaalameen Maleeshiyaadka Ururka Shabaab, kuwaas oo kusoo duulay Puntland si gardaro ah balse ugu dambeyntii jab weyn loo geystay.

Shacabka Caasumada oo Radio Daljir u waramay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin guulaha Milateri ee la gaaray, waxa ayna sheegeen in ay saacad kasta diyaar u yihiin in ay garab & gaashaan u noqdaan ciidamada Difaaca.

Dawladda Puntland ayaa shaley soo bandhigtay dhimashada in ka badan 71 Maleeshiyaad ah iyo In ka badan 30 Maxbuus dagaal, kuwaas oo ahaa kooxihii soo weeraray deegaanka Garmaal ee gobalka Nugaal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com