(DHAGEYSO) Shacabka Garoowe oo cabasho ka muujiyey Sicir Barar ka jira caasumada Puntland

GAROWE May 2, 2016 Dadweynaha magaalada Garoowe ayaa cabasho ka muujiyey Sarifka Dollarka oo kor u kacay iyo maciishada aad  u kacday maalmihii ugu dambeeyey.

Dadweynaha ayaa sheegay in ay  maalmihii u dambeeyey sarifka lacagaha qalaad kor u socdey, taas oo ay sheegeen in ay dhib ku tahay Nolosha dadweynaha kusugan magaalada Garoowe ee caasumada Puntland.

Sariflayaasha ayaa sheegay in ay lacago badan oo Shiling Soomaali ah soo galeen Suuqyada Sarifka, sidaas awgeedna ay keentay in lacagta Dollarka ah ay qaali noqoto.

Ganacsatada ayaa sheegay in ay Lacago badan oo Shilin Soomaali ah oo yimid awgeed lacagaha qalaad ay kor u kaceen, loogana baahan yahay dawladdu in ay xakamayso lacagahaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com