(DHAGEYSO) Ra’iisulwasaare Sharmaake oo lagu eedeeyey in uu wado Qorshe uu ku soo laabanayo Xassan Sheekh

Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa lagu eedeeyey in uu Garoowe ka wado qorshe uu doonayo in dib uu usoo laabto Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Cali Maxamed Axmed Cali (Cali Daacuud) oo la hadlayey Radio Daljir ayaa sheegay in uu Ra’iisulwasaaruhu ka shaqeynayo in markale dib loo doorto Madaxweyne Xassan Sheekh, isagoo kula taliyey in uu ka soo laabto deegaanada Puntland.

Cali Daacuud oo Siyaasi falanqeeya Arrimaha Siyaasada ayaa sidaas oo kale sheegay in Puntland go’aanka ay gaartay uu yahay mid Soomaalida oo dhan loogu daneynayo, isagoo ugu baaqay in ay la yimaadaan qorshe dhameystiran oo ay ku kasban karaan Soomaalida oo dhan.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com