(DHAGEYSO) Odayaasha Koonfurta Gaalkacy oo ka hor yimid Nidaamka 4.5

Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo ka mid ah Odayaasha sida weyn looga qadariyo gobalka Mudug ee Koonfurta Gaalkacyo ka soo jeeda, ayaa markii ugu horeysay si cad uga hadlay in aysan dhinacooda taageersaneyn nidamka 4.5, oo ay horay dawladda Faderaalku u sheegtay in Rayi Aruurin laga sameeyey ay ku ogolaadeen.

Nabadoon Cali Diiriye oo la hadlayay Radio Daljir ayaa sheegay in aysan garaneyn meel ay ku kala fadli badan yihiin dadka Soomaaliyeed, wuxuuna cadeeyey in ay taageersan yihiin aragtida dadka diidan Nidaamka 4.5 oo ula jeeday Puntland.

Nabadoon Alloore wuxuu si kulul u weeraray Hogaamiyaasha dawladda Faderaalka ee hadda ku fashilmay hogaamintii dalka, haddana sameynaya sharciyad ay ku sii joogaan xaafiisyadii ay waxba ugu qaban waayeen Shacabka Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com