HomeUncategorized

(DHAGEYSO) Odayaasha G Hiiraan & Madaxweynaha DFS oo Isku mari waayey wada hadalada

March 27 2016 Nabadoon Dacar Xirsi oo kamid ah Odayaasha Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in aysan waxba Natiijo ah ka soo bixin wada hadaladan, isagoo eedda oo dhan dusha ka saaray Dawladda Faderaalka.

Qaramada Midoobay oo Sheegtay in Somalia ay Gar-gaar Cunto u Baahantahay
Ku-Simaha Ra?iisul Wasaaraha Oo Ka Hadlay Xaalada Magaalada Baladweyn iyo Kismaayo
DHEGEYSO-Dagaal khasaare geystey oo dhexmaray ciidanka Puntland iyo Galmudug.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in aysan waxba Natiijo ah ka soo bixin wada hadalo ay shaley iyo xalayba yeesheen Odayaasha dhaqanka ee gobalkaas & Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, waxaana Odayaasha Dhaqanku ay diideen dalab uga yimid dhinaca dawladda Soomaaliya oo ah in ay ka qeybgalaan shirka magaalada Jowhar.

Nabadoon Dacar Xirsi oo kamid ah Odayaasha Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in aysan waxba Natiijo ah ka soo bixin wada hadaladan, isagoo eedda oo dhan dusha ka saaray Dawladda Faderaalka.

Dacar wuxuu sheegay in ay u bahaan yihiin in uu gobalka Hiiraan la xaq iyo xaquuq noqdo gobaladda Soomaaliya, isla markaasna uu helo xaqa uu leeyahay oo ah in la gaarsiiyo halka ay gobaladaas maanta joogaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: