DHAGEYSO: Odayaasha Baladweyne oo ka hadlay dagaalka ka socda magaaladaas

May 18, 2016 Odayaasha dhaqanka ee magaalada Baladweyne ayaa wada isku dayadii ugu dambeeyey oo ay ku doonayaan in ay ku joojiyaan dagaalada ka socda magaaladaas.

Dagaalka ayaa lagu guulaysan waayey in lajoojiyo kadib markii ay ka gaabiyeen maamulka gobolka Hiiraan iyo ugaasyada iyo salaadiinta labada beelood ee dagaalamaya sida uu maanta Daljir u sheegay Nabadoon Dacar Xirsi Nuur.

Dacar Xirsi Nuur, ayaa sheegay in joojinta dagaalkaasi ay kala hadleen maamulka gobolka iyo waxgaradka labada beelood ayna waxba ka qaban waayeen, ayna aaminsan yihiin inuu salka kuhayo arrimo siyaasadeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com