(DHAGEYSO) Madaxweyne Gaas oo la kulmay Wafdi ka socday dalka Turkiga

Guddoomiyaha golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 30-March-2016 garoonka diyaaradaha ee Kanooko ee duleed magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey Wafti ka socdey dawladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Safiirkii hore Waddanka turkiga u fadhiyey Soomaaliya Ambassador Dr. Kani Torun oo xubin ka ah baarlamaanka dawladda Turkiga, isla markaana xubin ka ah guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka dalkaasi.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay kawada hadleen Dr. Kani Torun xiriirka u dhexeeya Dawladda Puntland iyo Dawladda Turkiga, arrimaha bulshada, Arrimaha banii’aadanimada iyo mashaariicda horumarineed ee dawladda turkigu ka waddo Puntland iyo geeddi-socodka Nabadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in ay waftiga ka heleen ballan qaadyo badan oo dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo arrimaha banii’aadaminimadaba ah isla markaana ay dawladda Puntland diyaar u tahay sidii ay uga faa’iidaysan lahayd mashaariicdaasi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com