DHAGEYSO: Madaxweynaha Puntland oo Taliyaal ciidan xilka ka qaaday

Boosaaso May 15, 2016 Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 15, May 2016 xilkii ka qaaday Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Af-guduud) iyo Taliyaha Ciidanka Birmadka G/sare Cismaan Xasan Cuuke (Af-dalow), isla markaana si kumeel gaar ah ugu  magcaabay  xilka Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Shire Faarax Ereg.

Xil kaqaadistan iyo magcaabistan ayaa timi kadib markii Madaxweynaha dawladda Puntland uu guddi heer qaran ah u saaray dhacdadii ka dhacday magaalada Boosaaso 5-May 2016 iyo dhibkii wadashaqayn la’aaneed ee ka dhex jirey ciidanka Booliiska dhexdiisa,  dhacdadaas iyo wadashaqayn la’aantaas oo  sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com