(DHAGEYSO) Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Horumarka Kaabayaasha Dhaqaale ee Puntland

Boosaaso May 2, 2016 Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 1-May-2016 munaasabad soo dhoweyn ah ugu sameeyey xarunta Madaxtooyada dawladda Puntland ee Magaaalda Boosaaso wufuudii caalamiga ahayd ee ka kala socotey dawladda Talyaaniga, dawladda Federaalka Soomaaliya, urur goboleedka IGAD iyo hay’adaha mashaariicaha ka wada Puntland oo maanta gelinkii hore soo gaadhey magaalada Boosaaso ee xarunta xanacsiga Puntland.

Waftiga ayaa waxa kamid ahaa danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador Fabrizio Mercelli, xog-hayaha guud ee urur goboleedka IGAD Ambassador Maxbuub Macallin, Wasiirka Duulista hawada dawladda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jaangeli, wakiilka urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Afey, hay’adaha Jimciyadda quruumaha ka dhexaysa ee mashaariicda ka fuliya Puntland iyo hay’adda Talyaaniga u qaabilsan horumarinta iyo mashaariicaha.

Sidoo kale munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka dawladda Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Marwada Madaxweynaha Dr’s Hodon Siciid Ciise, wasiiro, xildhibaano, odayaal dhaqameed, isimo, qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah iyo hobollada Kaah Star oo munaasabadda kasoo jeediyey suugaan kala duwan oo ay ku cabbirayeen horumarka iyo dawlad wanaagga ka jira Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com