DHAGEYSO: Madaxweynaha dawladda Puntland oo ka hadlay arrimaha Safarkiisa

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ee magaalada Jabuuti kaga qayb galay caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta 10-May-2016 dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Boosaaso kusoo dhoweeyey Wasiiro, Xildhibaano, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Agaasimayaal ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, saraakiisha ciidanka iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Madaxweynaha ayaa salaan iyo soo dhoweyn kadib waxaa loo soo gudbiyey qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Boosaaso halkaas oo uu Madaxweynuhu kula hadlay warbaahinta qaybeheeda kala duwan, isla markaaana uga warbixiyey safarkiisii.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in magaalada Jabuuti ay kaga qayb galeen isaga iyo wafdigiisuba caalemo saarkii Madaxweynaha dalkaasi isla markaana ay kala kulmeen dadka reer Jabuuti iyo dawladdoodaba soo dhoweyen aad u heer sarraysa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com