DHAGEYSO: Isimada Puntland oo ka hadlay Shirka u furmaya DFS & Puntland

March 26, 2016 (DALJIR)- Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ah Afhayeenka Isimada Puntland ayaa ka hadlay shirka lafilayo in uu galabta si rasmi ah ugu furmo dawladda Faderaalka wafdiga ka socda & Puntland, kaas oo looga hadli doono xaaladaha Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Garaadka ayaa sheegay in aysan waxba ka soo bixi doonin wada hadaladan, hadii ay Madaxda dawladda Faderaalku wadaan qorshe la mid ah kii ay horey u soo jeediyeen iyaga & Beesha Caalamka ee ahaa in la qaato Nidaamka 4.5.

Dawladda Soomaaliya & Wakiilada caalamiga ah ayaa isku raacay in doorashada dhawaan dhacaysa lagu galo hanaanka 4.5, taas oo ay si weyn u diideen bulshada Puntland iyo dawladduba, waxaana marar badan Madaxweyne Gaas uu sheegay in aan la aqbali doonin nidaam aan aheyn midka degmooyinka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com