DHAGEYSO: Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Puntland oo biyo dhaamin sameeyey

March 28, 2016 Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Puntland ayaa bilaabay in ay biyo dhaamin ka bilaabaan deegaanada ay Abaaruhu aafeeyeen ee deegaanada Sanaag & Barri, waxa ayna maanta tageen deegaanka Fiqi-Fuliye.

Gudoomiyaha guddigan Abaaraha Sh Fu’aad Xaaji Nuur ayaa sheegay in ay wadi doonaan Gurmadkan, isagoo ugu baaqay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed in ay walaalahooda Abaartu hayso la soo gaaraan gurmad deg deg ah.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in ay maanta qeybiyeen 27 booyood oo Biyo ah, isla markaasna ay wadi doonaan gurmadkan tan iyo inta ay gaari karaan deegaanada xaaladdaha khatarta ah ka jiraan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com