(DHAGEYSO) Faahfaahin ku saabsan dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo

April 26, 2016 Baydhabo(DALJIR)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in uu maanta halkaas ka dhacay Iska horimaad u dhaxeeya ciidamada Amniga ee maamulkaas & Maleeshiyada Ururka Al- Shabaab, waxaana dagaalkaas uu geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka Warfaafinta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Xassan Cabdi Max’ed ayaa u sheegay radio Daljir in ay guul ka gaareen kooxihii weerarkan soo qaaday, wuxuuna cadeeyey in ay rag badan ka dileen.

Wasiirku wuxuu sheegay in ay ciidamadda Koonfur Galbeed ay maalmihii ugu dambeeyey wadeen dadaal ay uga horgayaan kooxaha wada falalka amaan darro, isla markaasna ay  talaabo ka qaadi doonan cid kasta oo ka shaqeynaysa nabadgalyo darro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com