(DHAGEYSO) Dawladda Faderaalka oo beenisay in Al- Shabaab ay ka qabsadeen deegaanka Ruunirgood

Marka May 1, 2016 Afhayeenka maamulka gobalka Shabeelaha Hoose Daa’uud Xaaji oo la hadlayay Radio Daljir ayaa beeniyey in Al- Shabaab ay ka qabsadeen deegaan muhiim ah oo kuyaala gobalkaas, wuxuuna sheegay in ay wararkaas yihiin kuwa ay buun-buunsadeen Maleeshiyada Al- Shabaab.

Afhayeenka gobalka Shabeelaha Hoose Daa’uud Xaaji ayaa sheegay in ay Al- Shabaab isku dayeen in ay qabsadaan deegaankan, balse ay ku guuldareysteen.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay hadda gacanta ku hayaan deegaanka Ruunirgood iyo deegaanada u dhaw dhawba ciidamada dawladda Faderaalka, isagoo sheegay in aysan waxba welwel ah ka qabin weeraro cusub oo uga yimaada Al- Shabaab.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com