DHAGEYSO: Ciidamo ka tirsan dawladda Soomaaliya oo lagu weeraray Suuqa Bakaaraha

Muqdisho May 7, 2016 Wararka naga soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday ciidamo katirsan kuwa dawladda Faderaalka, kuwaas oo kusugnaa gudaha Suuqa Bakaaraha ee ugu weyn Soomaaliya.

Weerarkan ayaa sababay dhaawaca Askar kamid ah ciidamada dawladda, sidaasna waxaa xaqiijiyey mid kamid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo la hadlay Barnaamijka Xulashada Daljir ee maanta.

Saraakiisha ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay qab-qabteen shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay in ay yihiin kuwii ka dambeeyey weerarkan.

 

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com