(Dhagayso+Sawiro) Siyaasi Cali Xaaji oo ka hadlay nuxurkii kasoo baxay shirkii ay la galeen Beesha Caalamka

Garowe, 10, Febru, 2016 – Siyaasiyiinta Puntland ee madaxa bannaan ama aan ka mid ahayn hay’adaha dawladeed ee xilligaan ayaa maanta diiday dalabkii waftiga beesha caalamka eee uu hoggaaminayey wakiilada hoghayaha guud ee QM, kuwaasi oo Puntland u yimid sidii loogu qancin lahaa qaadashada nidaamka 4.5 oo ay horay Puntland u diiday wax ku qaybsigiisa.

Siyaasiyiinta ayaa taageeray mawqifkii dawladda iyo dadweynaha Puntland ay qabeen ee ahaa golayaasha baarlamaan in lagu soo xulo habka deegaanka, isla markaana laga hayaamo qaabka qabiilka ee afar  beelood iyo bar.
 
Siyaasiyiinta shirkaasi ka qaybgalay waxaa hoggaaminayay Cali Xaaji Warsame oo horay u soo noqday wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland. kana mid ahaa musharaxiinta 2014 ugu cad-cadaa tartamayaashii xilka madaxtinimada Puntland.
.
 
 
 
 
Cabdifataax Cumar Geeddi oo Waraysi Dhammaystiran la yeeshay Siyaasi Cali Xaaji Halkaan Ka dhagayso

Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com