Site icon Radio Daljir

DHAGAYSO:Isimada iyo waxgaradka Puntland oo ka Hadlay Dil ka Dhacay Bosaaso

Arbaco, Feberaayo 03, 2016 (Daljir) —Magaalada Bossaso waxaa maanta lagu aasay Alle ha u naxariistee Xirsi Aadan Gallaf oo ahaa nin ganacsade ah, kaasoo xalay lagu dilay magaalada Bossaso ka hor salaaddii cisha.
 
Aaska ganacsadahaasi oo ka dhacay qabuuraha dhinaca Bari ee magaalada Bossaso waxaa ka qaybgalay masuuliytiin dawladda ah, ganacsato, odayaal dhaqan iyo culimo awdiinka gobolka.
 
Halkaasi waxaa laga jeediyey khudbado nuxurkoodu ahaa dardaaran la xiriira dhawrista amniga iyo ka wada-shaqayntiisa, sidoo kalena huwaan duco Alle looga baryayo in uu u naxriisto marxuumkaasi.
 
Culimaddii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Shiikh Daahir Aw-cabdi oo ka mid ah culimada waaweyn ee Puntland, waxaana uu hadalkiisa ku soo qaatay arrimo badan oo quseeya tacsida iyo dahana bulshada gobolka.
 
Dhagayso
https://daljir.com//resources2/files/Odayaasha%20Bosaaso.mp3?_=1
Exit mobile version