(Dhagayso+Akhriso) Heshiiskii Dowaldda Federaalka iyo Puntland oo si rasmi ah loo saxiixay -akhri heshiiska

Garowe, 03 – March – 2016 – Waxaa caawa oo Axad ah qalinka lagu duugey Heshiiska Garoowe, kaas oo wada hadalkiisu socdey muddo todobaad ah, isla markaana maanta dib uga dhacay xiligii loogu tala galay in la saxiixo. Heshiiska waxaa si rasmi ah u saxiixay

Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas

Beesha Caalamka

  1. Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya
  2. Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya
  3. Wakiilka IGAD ee Soomaaliya
  4. Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya
  5. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya

Heshiiskan ayaa ka kooban qodobo badan waxaana ugu muhimsan.

  1. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in 4.5 ama nidaamka qabiilka uu ku ekaado 2016
  2. In aan doorashada 2020 sinaba loogu geli karin 4.5
  3. In doorashada Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka halka ay ka dhacayso ay go’aankeeda gaaraan Madasha Qaran ee 7 Hoggaamiye ka kooban
  4. Xildhibaanada Puntland uga mid noqonaya Aqalka Hoose ee federaalka waxaa doorashadoodu ka dhacaysaa Garoowe
  5. Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada waxaa soo xulaya odoyaasha dhaqanka, waxayna ka koobnaan doonaan qaybaha bulshada oo dhan.
  6. Xildhibaanada Aqalka sare waxaa soo xulaya Puntland, waxaana soo bandhigaya Aqalka Hoose, kuwaas oo ah sidii horey loogu heshiiyey.
  7. Guddiga Doorashooyinka Qaran waa in lo wada dhan yahay waxaana isla dhisaaya Dowladda federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.
  8. Beesha caalamku waxay si dhaw ula soconeysaa hirgelinta doorashooyinka 2016
  9. In la sameeyo Road Map cad ee lagu gaarayo 2020, in ay dalka ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah.
  10. Beesha caalamku waxay damaanad qaadeysaa xaqjiijinta in aan mar danbe dalka lagu celin nidaamka 4.5.

Hoos ka eeg heshiiska rasmiga ah ee saxiixan

 

 

Hoos ka dhagayso Codkii Wasiirka dastuurka dawladda federaalka Xuseen Maxamuud Xuseen Qalloocow

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com