(Dhagayso) Xog’hayaha NUSOJ Bakiztan oo qaadacay go’aankii Maxkamada sare

Muqdisho, 08, Febru, 2015 – Xog’hahay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakiztaan oo u waramay Radio Daljir ayaa shaci-darro wayn ku tilmaamay go’aan kasoo baxay Maxkamada sare ee dalka oo lagu xaqiijinayo in Cumar Faaruuq Cismaan yahay xog’hayaha saxda ah ee NUSOJ, doorashadii ururka ee 2011-na aysan sharci ahayn.
 
“Go’aanka Maxkamada sare wuxuu baalmarsanyahay Dastuurka dalka, waana tijaabo lagu samaynaynayo midnimada ururka NUSOJ, waxaa wariyaasha Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay muujiyaan dareenkooda, Ururkuna waxaa uu leeyahay qareeno difaacaya sharciyadiisa, waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dalku in ay soo faragaliyaan arrintaan” Sidaasina waxaa yiri xoghayaha ururka NUSOJ Maxamed Ibraahim (Bakistan)
 
Hoos ka dhagayso waraysigii Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com