Dhagayso Xildhibaan Dhoobo: Sharci ma ahan in la joojiyo codkeena, waana khalad taariikhi ah

Gaowe, 18, July, 2016 – Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daarood oo waraysi siiyay Radio Daljir ayaa dhaleeceeyay in la joojiyo shir ay Garowe ku qabteen mudanayaasha baarlamaanka Puntland.

“Maya, waa khalad, mana ogin sababta loo joojiyay, sharcina maahan, bini’aadanimana ma’ahan, eedeedana waxaa loo haystaa saxaafadda, waxaana warbaahinta looga baahanyahay in ay caddeeyaaan sababta ay u joojiyeen codkeenii, annagoo mas’uuliyiin ah oo hadalnay oo waliba xaq u leh in aan hadalno, waa wax lala yaabo, ma ciidanbaa saxaafadu” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Dhoobo Daarood.

Mudane Dhoobo ayaa fariin u diray xukuumadda iyo shacabka Puntland, waxaana uu ugu baaqay in ay muujiyaan isku-duubni iyo dadaal, waxaa uu hadalkiisa raaciyay in duulaanka Soomaaliland jawaabta ku filan uu yahay dowladda iyo shacabka Puntland oo si wadajir ah u difaacda dalkooda.

Hoos ka dhagayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com