HomeUncategorized

Dhagayso Xarun ka hortagta khatarta fikirka Xagjarnimada Soomaalida UK oo laga furay London

UK, 23 - Oct - 2016 - Waxaa magaalada London laga furay markii ugu horraysay xarun wacyigalin ah oo looga hortagayo mab'da'a Argagixisada in looga fogeeyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka UK, xaruntaasi oo loogu magac-daray Fatah Foundation

Madaxweyne Gaas oo Shir Muhiim ah u Aaday Kenya
Dablay hubaysan oo caawa bililiqaysatay hantidii shirkada Golis qaybteeda adeega Sahal ee koonfurta Gaalkacyo.
Caawa iyo Daljir, Nov 27-12, Axmed Nuur Ibraahim (Somali) _Daljir Boosaaso.
Xiriiriyaha Fatah Foundation Warsame Cismaan oo ayaa Radio Daljir u sheegay in baahida keentay xaruntaan in la furo ay tahay, kaddib markii Soomaalida  UK ay saamayn culus ku yeelatay ficillada ay ku kacaan Argagixisadu had iyo goor, iyo waalidiin badan oo carruurtoodii ku biireen kooxaha mitidiinta ah ee ka dagaalanta dunida.
 
Warsame mar uu ka waramayay adeegyada xaruntaan ay samayso ayuu yiri ” In waalidiinta la baro awloodaada meelaha laga xag-jirsiiyo, dhaqdhaqaaqa aallada Social-ka, in lala socdo macalimiinta carruurtooda wax u baraysa, iyo  in dhalinyarada loo sameeyo wacyigalin la xiriira khatarta argagixisadu ay leedahay”
 
Xiriiriyaha Fatah Foundation Warsame waxaa uu sheegay in fikirkaan ay ku hanwayn-yihiin in ay soo gaarsiiyaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana uu fariin u diray madaxda Soomaalida, taasi oo la xiriirta in ay si fiican ula socdaan dhaqdhaqaaqa dhalinyarada ka timaada Qurbaha, si aysan naftooda iyo naf-kaleba dhibaato ugu gaysan, waxaa kale oo uu hadalkiisa raaciyay in xoogga la saaro in Maahijta iskuullada lagu daro maado ka hadlaysa khatarta Argagixisadu ay leedahay.
 
Hoos ka dhagayso waraysigii

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: