(Dhagayso) W/hore ee haweenka Puntland Caasho Geelle Diiriye oo ka warantay shirar ay dibadda uga qaybgali-doonto.

Gaalkacyo, Oct 09- iraddii hore ee haweenka iyo hor-marinta qoyska Puntland marwo Caasho Geele Diiriye oo maanta ka dhooftay garoonka diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf ee Gaalkacyo ayaa waraysi ay siisay Radio daljir intii aysan duulin ayaa ka warbixisay safar qaadan doona muddo maalmaa kaasoo shirar iyo barnaamijyo hor-marineed oo ay ka soo qayb galayso dhawr wadan oo Afrikaan.

Marwo Caasho oo dhawaan xilka wasiirnimo laga qaaday ka dib sanado badan oo ay ka soo dhex muuqatay golaha wasiiradda Puntland ayaa waraysigeeda ku sheegtay safarka ay u baxaysa inuusan ahayn mid ay loolan iyo xil kaga doonayso is-badalka cusub ee siyaasadda Soomaaliya, waxayna sheegtay in lagu casumay shirar ka dhacaya wadamada Kenya,Ugand,Batuswana,Koonfur-Afrika iyo Masar, kuwaasoo dhamaantoodba sheegtay in loogu casumay si khaksiyan maadaamaa ay hada u gacan bannaan tahay hawl kastoo looga baahdo.

Caasho Geelle, ayaa tilmaamtay inay jiri karaan damac siyaasadeed oo ay ka qabto dawladda dhexe ee Soomaaliya, hase-ahaatee aysan xiligan jirin xiriir ay la samaysay madaxda dawladda ama ay la soo sameeyeen oo ku aadan xil-doon, balse ay is-yaqaanaan masuuliyiinta sar-sare ee DF ee Soomaaliya, balse suurta gal ay tahay inay xil ka qabato dawladda dhexe.

Wasiiraddii hore oo dhanka kale ka hadashay sababta keentay in xilka laga qaado ayaa ku micnaysay ismaan-dhaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay iyada iyo madaxweyne C/raxmaan Faroole waa sida ay hadalka u dhigtay.
”Runtii ma jecli inaan arintaas faar-faaro, waxaan dhihi lahaa oo kaliya waxay ahayd, waan ku arkay iyo anigana waan ku arkay, saamaynta ugu weyna waxaan filayaa inay tahay mawjadaha siyaasadeed ee xiligan ka biloowday Puntland”, ayay tiri Marwo Caasho.

Caasho ayaa soo hadal qaaday arimaha mudooyinkan danbe saaxa siyaasadeed ee Puntland muranka ka dhaliyay taasoo ahayd oloolayaasha doorashada iyo barnaamijka dawladda ay ku baaqday ee nidmaanka xisbiyada kaasoo ay ka biyo diideen siyaasiyiinta qaar, arimahaasi ayay ku tilmaamay kuwo ay u yaalaan beelihii ku midoobay maamulka waxayna talo ahaan u soo jeedisay in la raaco nidaamyadii iyo wixii ay horay ku ballameen shucuubta gayigan, waxayna fariin u dirtay Isimada iyo waxgaradka dalka, hadalkeedana waxaa uu u muuqanayay ku faraxsanaan la’aan waqtiga jiritaan ee xukuumadda inkastoo aysan si rasmiya u carabaabin.

HALKAAN KA DHAGAYSO WARAYSIGII MARWO CAASHO GEELLE UU LA YEESHAY WARIYE C/RISAAQ CALI CABDI SILFAR.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com