(Dhagayso) Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Gobollada Puntland Bashiir Gurxan oo taageeray Shiicada.

Garowe, 15, Janu – Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Gobollada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji (Gurxan) ayaa waraysi uu siiyay Radio Daljir waxaa uu ku taageeray Shiicada, waxaana uu shaqsi ahaan uga horyimid go’aanka DF ay xiriirka ugu jartay xukuumadda Tehran.

Wasiir Bashiir waxaa uu sheegay in ay dalka Soomaaliya ka jiraan firqooyin iyo ururo diineed oo badan, waxaa uu tusaale usoo qaatay ururada Al-Shabaab iyo Daacis in ay mudanyihiin in lala dagaalamo, bals waxaa uu shaaca qaaday in Shiicadu aysan mudnayn in la ciqaabo.

Hoos ka dhagayso waraysigii uu la yeeshay wasiirka wariye Xassan Haykal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com