(Dhagayso) Wasiirka Dakadaha Cabdullaahi: Nabadoonnadu waa buundada isku xirta dowladda iyo shacabka

Boossaaso, 14 – April – 2016 – Wasiirka wasaaradda dakadaha iyo gaadiidka badda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax oo ka hadlayay munsaabad mar kale dib loogu doortay Nabadoon Cabdiqaadir Xarago inuu noqdo mar kale afhayeenka nabadoonnada gobolka Bari

Wasiirka oo hadalka goobtaasi ka jeediyay ayaa xusay ahmiyada ay nabadoonnadu u leeyihiin bulshada reer Puntland iyo shaqooyinka ay dadka u hayaan, waxaa uu wasiirku si gaar ah u xusay in nabadoonnadu yihiin kuwo u qareema caddaalada, dib u hishiisiinta, nabadgalyada, iyo sidii looga fogaan lahaa xad-gudub lagu sameeyo qabaa’ilka.

“Nabadoonnadu waa buundada isku xirta dowladda iyo shacabka, waxaan aad u jeclaan lahaa xaafadaha Boossaaso sida dowladda hoose u qorshaysay in nabadoonnadu ay ku yeeshaan door wayn, is boortigii Boossaaso waa wax aad looga naxo in qabiil lagu saleeyo, dowladduna qorshaha ay isboortiga ka leedahay waa in la helo is dhex-gal bulsho” Sidaasi waxaa yiri Wasiir Cabdullaahi

Hoos ka dhagayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com