(Dhagayso) Wasiirka Cadaaladda Puntland oo nasiib-darro wayn ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Wasiir ka mid ah xukuumadda Puntland

Garowe, Janu, 15 – Wasiirka wasaaradda cadaaladda diinta iyo dhaqancelinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa sheegay inuu aad uga xun-yahay hadalka kasoo yeeray Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobollada Bashiir Gurxan ee ku aadan inuu taageero Shiicada.

Wasiir Saalax wuxuu nasiib-darro wayn ku tilmaamay aragtida wasiirka, waxaana uu hadalkiisa raaciyay in ay Dawladda Puntland taageersan-tahay go’aanka ay DF xiriirka ugu jartay Dowladda Iiraan.

“Wax cilaaqaad ah oo Puntland Iiraan kala dhaxeeyo ma jiro, Diin ahaana waxaan nahay umad Muslim ah oo Sunni ah, wasiir-kuna fikirkiisa ayuu ka hadlay, dawladdana kuma matalo fikirkaasi, magaciisa iyo mansabkiisana meel buu uga dhacay ee dowladeed, balse dawlad ahaan warkeenu waa cadyahay, Shiicana meel ay naga soo gasho ma jirto” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Cadaaladda Puntland Saalax Xabiib.

Hadalkaan kasoo yeeray wasiirka cadaaladda Puntland waxaa uu daba-socdaa waraysi uu xalay siiyay 

Hoos ka dhagayso wasiirka Cadaaladda Puntland oo u waramay wariye Maxamed Cabdullaahi Cali Kooshin

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com