Dhagayso Wasiir Bashiir Gurxan: Dagaalka Dhabad waxaa ka dambaysa Galmudug, Shabaab iyo ciidanka DF oo wadajir ah

Garowe, Oct, 13 – 2016 – Wasiiru-dowlaha xiriirka gobollada u qaabilsan Madaxtooyada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa maamulka Galmudug, Dowladda Federaalka Iyo Al-Shabaab waxaa uu ku eedeeyay dagaal khasaare dhaliyay oo maantay ka qarxay degmada Dhabad ee gobolka Galgaduud iyo toolooyin oo hoos yimaada.

“Dagaalkaan waxaa uu ahaa mid loo adeegsaday hub aad u culus oo laga soo waariday Cadaado, Iyo dhulka ay Shabaab ka taliyaan, waxayna rasaastaasi la dhaceen dad maato ah oo reer Miyi ah, xilli abaar ahna ku jira, waana nasiib-darro taaariikhi ah” Sidaasi waxaa yiri Wasiir Bashiir.

Bashiir Gurxan waxaa uu sheegay in ciidamada Galmudug iyo kuwa DF oo oo ku fashilmay dagaalkii Gaalkacyo ay u waarideen dhanka Dhabad oo ay la xiriirinayaan in ay dagan yihiin shacab taageersan Puntland.

Wariye Axmed Shiikh Maxamed Tallman oo ayaa waraystay wasiirka oo ugu horrayntii waydiiyay sida ay wax u dhaceen.

Hoos ka dhagayso


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com