Dhagayso Wariye Birjeeb: Daljir sharci-darro lagu xiray, sharci-darrana waa lagu siidaayay

Garowe, July, 04 – 2016 – Agaasimaha Puntland u qaabilsan TVga Universal ahna wakiilka VOA ee gobolka Nuugaal Nuux Muuse Birjeeb oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa nasiib-darro wayn ku tilmaamay in Daljir sharci-darro ay ku xirnaato 12aad, sharci-darrana lagu siidaayay.

“Dowladaan kaliya laguma eedayn-karo in sharciga la baalmaro, waa nasiib-darro nagu soo noq-noqday, umalayn maayo in wadashaqayn joogto ah imaan-karto inta dowladdu aysan sharciga ixtiraamaynin” Sidaasi waxaa yiri Md. Nuux Muuse Birjeeb

Wariye Nuux Muuse Birjeeb ayaa Xukuumadda Puntland ugu baaqay in la joojiyo cabburinta, waxaa uu tilmaamay in warfidiyeennadu aysan marar badan samaynin barnaamijyo ka hadlaya dhaliisha dowladda, warfidiyeennada ayuu ugu baaqay in is-dhowraan, sharcigana ku kalsoonaadaan.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir,

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com