(Dhagayso Waraysi) Ahlu-sunna oo oo xabsiga Guriceel dhigtay 5 ka mida nabadoonnada deegaanka.

Guriceel, Oct, 08 – Ciidamada ammaanka Ahlusunna ee degmada Guriceel ayaa maantay xabsiga dhexe ee Guriceel waxay ku xiraan illaa 5 Nabadoon oo can-ka ahaa deegaanka.

Xariga nabadoonnadaan ayaa waxaa la tilmaamayaa inay ka dambaysay kaddib markii odoyaashaan ay ka dhaga-adeegeen awaamiir ay fareen Ahlusunna oo ku aadanayd inay gacanta Ahlusunna soo galiyaan dhagar-qabe horay deegaanka nabadoon ugu dilay.

Wararka aan ka helayno deegaanka Guriceel ayaa ku waramaya in xariga nabaddoonnada ay salka ku hayso kaddib markii ay odoyaashu diideen inay gacanta maamulka Ahlussuna soo galiyaan dhagar-qabayaal dhawaan degmada ku dilay mid ka mid ah nabadoonada deegaanka.

Farxaan Macalin Cali ?Farabadan? oo ah guddoomiyaha G/kuxiggeenka degmada Dhuuso-mareeb ahna madaxa amniga Ahlusuna ee gobolka ayaa arrimaasi uga waramay Radio Daljir ayaa sheegay inay ku hawlan-yihiin sidii ay u sugi-lahaayeen ammaanka gobolka oo dhan.

Halkaan ka dhagayso waraysigii G/kuxiggeenka degmada Dhuuso-mareeb ahna madaxa amniga gobolka Farxaan Macalin Cali (Farabadan)

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com