Dhagayso Wararkii ugu dambeeyay Galmudug oo guulo guulo ka sheegatay dagaalkii ay Al-shabaab la galeen.

Cadaado, 25, March, 2016 – Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay Al-shabaab ay ka dileen 6 dagaalamayaal iyo 19 maxaabiis-na ay gacanta ku dhigeen sidaasi waxaa Radio Daljir u xaqiijiyay C/qaadir Xassan oo ka tirsan Saraakiisha ciidanka Galmudug.
 
C/qaadir waxaa uu sheegay in weerarka ay ku qaadeen ciidanka Galmudug, waxaana uu hadalkiisa raaciyay in howlgalkaasi ay ku soo furteen hub iyo saanad malatiri. C/qaadir oo hadalkisia sii wata waxaa uu sheegay in ay dagaalka saakay ku qaadeen fariisin ay Shabaab ku lahaayeen meel aan sidaasi uga fogeen deegaanka Budbud, qiyaas ahaana u jirta 90KM. 
 
Dhinca kale – Madaxweynaha Galmudug  C/kariin Xuseen Guuleed oo Gaalkacyo ku sugan ayaa Shacabka Galmudug ka dalbaday in ay Garabsiiyaan Ciidamada Maamulka ee Dagaalka kula jira Shabaab  si looga guuleysto Al-shabaab.
 
Madaxweynaha oo ka hadlay Munaasabad ka dhacday Gaalkacyo oo uu ka qeyb galay ayaa Shacabka Reer Galmudug ugu baaqay in ay Gacansiiyaan Ciidamada qalabka sida Ee Galmudug si looga guuleysto Al-shabaab.
 
Hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa ku soo aadaya Xilli Maanta Dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulka iyo Al-shabaab uu ka soconayo Duleedka degaanka Budbud ee Bariga Gobolka Mudug.
 
Hoos ka dhagayso waraysigii Sargaal C/qaadir iyo Codka Madaxwaynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com