(Dhagayso) W. Kuxigeenka Beeraha DF: Sanadkaan cunti-yari baa jirta Soomalidu waa in ay isku tashataa

Muqdisho, Sept, 24, 2016 – W/kuxigeena wasaaradda beeraha Dowladda Soomaaliya C/casiis Saalax Carmaan oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa walaac daran ka muujiyay biyo yari iyo dalagyada soo go’ay oo aad u yar, waxaana uu wasiirku walaacaasi u cuskaday warbixin kasoo baxday QM oo lagu sheegay Shan Milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah in cunti yari soo waajahaysa sanadkaan.
 
Wasiir Carmaani waxaa uu sheegay in ay jirto biyo yari dalka laga dareemayo, taas badelkeeda ayuu bulshada ugu baaqay in ay Soomaalidu isku-tashadaan, maadaama walaacaan uu yahay mid saantaantiisu ay muuqato xilligaan.
 
“Waxaan wadatashi la yeelanay maamullada dalka, waxaa Wasaaradda Beeraha Soomaaliya u qorshaysan in ay dhiirigaliso beeralayda Soomaaliyeed, si qorshahaasi looga mira-dhaliyo, waxaan wadatashi Muqdsiho kula yeelanay madaxda wasiirada wasaaradaha beeraha ee muumullada dalka” Sidaasi waxaa yiri W/kuxigeena Beeraha Soomaaliya C/casiis Saalax Carmaan.
 
Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda beeraha Soomaaliya ay aamin-santahay in gobollada dalka Soomaaliya oo dhan laga samayn-karo tacabka beeraha, waxaa uu beeniyay warbixin ay horay u soo saartay hay’adda QM u qaabilsan beeraha ee FAO, waxaana uu wasiirku mar kale shacabka Soomaaliyeed ay xoogga saaraan sidii ay ugu tashan-lahaayeen tacabkooda, wadankooda, iyo hantidooda.
 
Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com