(Dhagayso) Siyaasi Siciid Sanwayne oo bulshada reer Puntland uga tacsiyeeyay Daljir oo maalintii 5aad xiran

Garowe, June, 26, 2016 – Siyaasi Siciid Sanwayne oo ah hoggaamiyaha urur siyaasadeedka Udad oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir waxaa uu si adag u cambaareeyay xariga Radio Daljir oo galay maalinkii 5aad, kaasi oo sharci-darro ah

Md. Siciid Sanwayne wuxuu si cad u tilmaamay in xukuumadd u hoggaamiiye madaxwayne Gaas ay ku fashilantay mas’uuliyadii loo doortay, waxaa uu wax aad looga xummaado ku tilmaamay in ay baalmartay sharcigii iyo qaynuunkii dalka u yiilay, waxaana uu ugu baaqay in ay ka waan-towdo ficillada lagu cabburinayo warbaahinta Puntland,

Siyaasigu waxaa uu walaac aad u daran ka muujiyay xilliga iyo marxalada ay Puntland hadda ku sugan-tahay iyo xukuumadda oo cadow ka dhigatay warbaahinta, waxaana ku baaqay in caqligu shaqeeyo oo warbaahinta laga joojiyo tacdiga lagu hayo.

Hoos ka dhagayso waraysi uu la yeeshay wariye Maxamed Cabdullaahi Cali Kooshin,


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com