(Dhagayso) Siyaasi Guray oo si adag uga hadlay shaqaaqooyinkii ka dhacay Puntland iyo doorashada 2016

London, 09, May, 2016 – Siyaasi Cabdiwali Maxamuud Guray oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir caawa ayaa ka hadlay ammaanka guud ee Puntland iyo shaqaaqooyinkii ugu dambeeyay ee maalmahaan ka dhacayay magaalooyinka Gaalkacyo, Qardho, iyo Boossaaso, waxaana uu si gaar ah fariin ugu diray xukuumadda uu hogaamiyo Madaxwayne Gaas iyo dadwaynaha reer Puntland.

Mudane Guray, mar la waydiiyay inuu u sharaxanyahay 2016 ayuu sheegay in ay qorshaha ugu jirto, balse arrinta Soomaaliya ay u baahan-tahay in si wadajir ah looga wadashaqeeyo sidii loo heli-lahaa dowladnimo dhammaystiran iyo adeeg hufan.

Siyaasiga oo waraysigiisa uga hadlay dhinacyo kale ayaa waxaa khadka taleefanka ee London ku waraystay wariye Maxamed Cabdullaahi Cali Kooshin caawa.

Dhagayso Waraysigii oo dhammaystiran

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com