Site icon Radio Daljir

(Dhagayso) Siyaasi Cali Xaaji: Si gurmadka abaarta loo xoojiyo waa in lala kaashadaa Gargaarka Ganacsatada, Culumada iyo Warbaahinta

Nairobo, 29, Febru, 2016 – Siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa isagoo ku sugan Nairobi waxaa uu waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir uu kaga waramay diihaalka abaareed ee Puntland, waxaana uu gurmadka socda ku kordhiyay talooyin wax ku ool ah.

Siyaasi Cali Xaaji waxaa uu boogaadiyay dadaalka dawladda Puntland ugu jirto sidii wax looga qaban diihaalka abeereed ee ka jira gobollo ka mid ah Puntland, waxaana uu  dowladda u soo jeediyay in laga faa’iidaysto sadex jiho oo Cali uu ku tilmaamay in ay gurmadka abaarta qayb wayn ka qaadan-karaan, sadexdaasi oo kale ah Culumada, Ganacsatada, iyo Warbaahinta.

Hoos ka dhagayso waraysigii 

https://daljir.com//resources2/files/Waraysi%20Cali%20Xaaji.MP3?_=1
Exit mobile version