Dhagayso Siyaasi Burhaan Cilmi: Roob la’aanta iyo dhibaatada dalka ka taagan waa cadaalad-darrada Puntland ka dhex-jira

Garowe, 18 – April – 2016 – W/hore hore ee wasaaradda deegaanka Puntland Burhaan Cilmi Filig oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa nasiib-darro wayn ku tilmaamay in issiimada Puntland ay ku guul-darraysteen in ay baarlamaanka DF u xulaan xubno matali kara beelaha Puntland.
 
Siyaasi Burhaan ayaa walaac ka muujiyay in beelahii horay u qaybsaday 12-ka xubnood ee beesha Majeerteen ay xilligaana damacsanyihiin in ay qaataan xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka dowladda federaalak Soomaaliya, waxaana uu hadalkiisa raaciyay in loo baahanyahay wadatashi in ay xubnaha ka yeesheen beelaha majeerteen ee Puntland.
 
“Abaarta dhibta, roob la’aanta Puntland ka jirta waxay cuskantahay waa cadaalad-darrada ka jirta Puntland dhexdeeda, wax laga fakari karo ma’ahan in beelihii horay u qaatan 12-kii xubnood ee aqalka hoose  ay haddana rabaan in ay qaataan qaar ka mid ah amase dhammaanba xubnaha Aqalka sare,” Sidaasi waxaa yiri SIyaasi Burhaan Cilmi Filig.
 
Waxaa khadka taleefanka ku waraystaye wariye Maxamed Cabdullaahi Cali Kooshin
 
Diiwaanka Wararka.
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com