Dhagayso R/wasaare Sharmaake: Waxaan u imid inaan ka tashanno aayaha Soomaaliya iyo kan Puntland

Garowe, March, 25, 2016 – Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa Maanta 25-March-2016 waxay kusoo dhoweeyeen Garoonka Kanooko ee duleedka Garoowe Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey.

Soodhoweynta Ra’iisul-wasaaraha ayaa waxaa ka qayb qaatay Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan, waxaana intaasi kadib loosoo gudbiyey waftiga Qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe halkaas oo ay Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaruhu si wada jir ah ugula hadleen warfidiyeenada.

Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa bogaadiyey guulihiii taariikhiga ahaa ee shacabka iyo  ciidamada difaaca Puntland iyagoo is garabsanaya  ay kasoo hooyeen kooxihii sharwadayaasha ahaa ee Puntland kusoo duuley, waxaana uu intaasi  sii raaciyey in ay gacan kageysanayaan wax kaqabashada ciidamadii halgamayaasha ahaa ee Puntland ee dhaawacyadu kasoo gaadheen dagaalkii ay sharwadayaasha alshabaab kaga sifaynayeen Puntland.

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay Puntland kawada hadli doonaan masiirka ummadda Soomaliyeed iyo sidii looga bixi lahaa xilliga kala guurka ah ee uu kujiro dalka Soomaaliya, waddankana loogu jihayn lahaa meel wanaagsan.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com