Dhagayso Puntlnad oo iska fogaysay ku lug-lahaanshaha Dagaalkii Daac-Dheer ku dhexmaray Galmudug iyo ciidanka Liyuu Boolis (DDSI)

Garowe, April, 25  – Wasiirka Amniga Dawlada Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo maanta saxaafada kula hadlaayey Magaalada Garowe ayaa si aada iskaga fogeeyey inay wax lug ah Dawladiisu ku lahayd dagaalkii dhawaan ka dhacay degaanka Daac-dheer oo ah xuduuda uu Gobalka Galgaduuda ee Soomaaliya la wadaago Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, kaas oo dhex maray Ciidamada Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee loyaqaan Liyuu Boolis iyo Maleeshiyaad taabacsan Maamulka Galmudug.

Wasiir Qarjab ayaa sheegay inuu Maamulka Galmudug si aan ka fiirsasho lahayn ugu eedeeyey Dawlada Puntland inay ku lug lahayd dagaalkii halkaas ka dhacay, wuxuuna tilmaamay inuusan sinaba u khusayn karin dagaalka ka dhacay Daac-dheer maadama aysan ahayn dhulka Puntland, xuduudna la wadaagin degaankaas.
 
Wasiir Qarjab ayaa dhinaca kale nasiib-darro wayn ku tilmaamay in uusan wali deegaannada Puntland ka dhaqan-galin ammaro kasoo baxay wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha Puntland, kuwaasi oo la xiriiray mamnuucida wareejiyaasha qoomiyada oromada u dhashay ee xaafadaha dhexmara.

Hoos ka dhagayso codkii wasiirka

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com