Dhagayso Ololaha dhismaha Isbital u gaar ah ciidamada difaaca Puntland oo meel-wanaagsan maraya.

London, Sept, 17 – 201 6 –  Waxaa in muddooyinkii dambe socday qorshe lagu taabagalinayo isbital u gaar ah ciidamada Puntland, kaasi oo looga danleeyahay in lagu daryeelo, laguna dhowro xogta sireed ee ciidamada difaaca Puntland.
 
Aqoonyahan Warsame Cismaan Saalax oo ka mid ah Jaaliyada UK ee Puntland ayaa ahaa shaqsigii lahaa hindisaha iyo fikrada dhismaha Isbitalka Ciidanka Puntland, Warsame  ayaa Radio Daljir siiyay waraysi gaar ah oo uu kaga hadlayo sidii loo amba qaadi lahaa hindisahaasi.
 
“Fikirkii ahaa Puntland ha isku-tashado ayaan ka duuliyay, waxaana loo baahanayahay in la tixgaliyo fikradaha ka imaanaya muwaadiniinta reer Puntland, waxaan ku kalsoonahay shacabka reer Puntland in ay diyaar u yihiin fikirkaan in ay hirgaliyaan, waxaana hubaa in qorshahaan uu dag dag u dhaqan-gali karo haddii ay muujiyaan iskaashi mas’uuliyiinta jooga gudaha dalka oo uu ugu horreeyo Talyaha Guud ee Ciidamada Puntland General Siciid Dheer iyo idinkoo ah Radio Daljir oo shacabku ay kalsooni wayn idinku qabaan” Sidaasi waxaa yiri Aqoonyahan Warsame.
 
Dhawaan ayaa la filayaa in isbitalkaan si rasmi ah loo dhagax-dhigo, waxaana socda dadaalo xooggan oo ka socda gudaha dalka iyo dibadaba.
 
Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir,

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com