(Dhagayso) Madaxweynaha Dawladda Puntland oo xariga ka jaray Waddooyin Laami ah oo Gaalkacyo laga sameeyay

Gaalkacyo, August, 17 – Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa maanta oo Isniin ah taariikhduna ay ku beegan tahay 17/8/2015-ka xariga ka jaray laba Waddo oo  Laami ah,kuwaas oo  ku yaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
 
Waddooyinka uu Madaxweynuhu xariga ka jaray ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay uu dhismahooda ka socday Gaalkacyo,waxaana ay qayb ka noqonayaan Wadooyinka Laamiga ah ee la hirgaliyay Gaalkacyo.
 
Munaasabada xariga looga jaray Waddooyinka ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Xubno ka tirsan Golayaasha Dawladda,maamulka Gobolka Mudug,maamulka degmada Gaalkacyo iyo dadweyne kale.
 
Mudane Gaas ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay dhismaha Waddooyinka,wxaana uu xusay in Mashaariicdan ay ka mid yihiin kuwa loogu tala galay hormarinta Gobolka Mudug.
 
Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ka dib markii uu Wadada xartiga ka jaray Shaah kula wadaagay shacabka Gaalkacyo Maqaayad ku taala magaalada,waxaana uu sido kale uu tagay Carwo ku taala magaalada.
 
Madaxweynaha ayaa ku dhexlugeeyay Waddooyinka Gaalkacyo,gaar ahaan wuxuu Lugaynayay Masaafo dhan 2-km,arrintan ayaa ka tarjumaysa amaanka iyo kala dambaynta ka jira  Gobolada Puntland.
 
Hormar balaaran ayaa ka socda degmada Gaalkacyo,xilli shirweynaha Wadatashiga reer Puntland uu ka dhici doono dhamaadka bishan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com