(Dhagayso) Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Maanta u Dhoofay Magalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta 09, April 2016 u dhoofay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya, isagoo ka qayb geli doona shirka wada tashiga doorashada Soomaliya ee 2016, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas waxaa safarkiisa ku weheliyay Wasiiro, Xildhibano iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, Madaxwenaha oo warbaahinta la hadlay ka hor safarkiisa ayaa tilmaamay in isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo ay tagi doonaan magaalada Xamar si ay uga qayb galaan shirka wada tashiga doorashada Soomaliya.
 
” Maanta waxaan u dhoofayaa magaalada muqdisho oo aan kaga qayb gelayo shirkii wada tashiga doorashada 2016, kaasoo ka dhici doona magaalada xamar berrito Insha Allaah, shirkaasi oo lagu sii anba qaadayo qaabkii ay u dhici lahayd doorashada 2016 iyo in Puntland ay gayso mowqifkeeda ku aadan 2016 iyo sidii Dawlad fiican oo Soomaaliyeed oo wadanka nabadgalyadiisa, siyasaddiisa iyo dhaqaalihiisaba sii horu marisa, iyo sidii lagu heli lahaa baarlamaan tayo fiican leh oo Soomaliya matali kara, matalaad shacbiyana leh inaan kawada shaqayno Dawladda Federaalka iyo Dawladaha kale ee xubnaha ka ah, si markaasi isbedel loo aayo oo la mahadiyo ay Soomaliya u hesho 2016, intaas weeye ujeedada aan u baxayaa ka bacdina waxaan kusoo laaban doonaa Caasimadda Garoowe” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweyna Dawladda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo mar kale ku guulaystay hogaaminta dalka FDjibouti.
 
“Doorashada dalka Djibouti waa hambalyaynaynaa, waxaana rajaynaynaa in Madaxweyne Ismaciil oo runtii shaqo fiican ka qabtay dalkaasi, anigu waa xasuustaa markii u horraysay oo aan Djibouti tagay sanadkii 1999 meeshii ay joogtay iyo meesha hadda ay joogtonis beddelka u dhexeeya waa fahmi karaa waa hambalyaynayaa waana bogaadinayaa” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.  
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa magaalada muqdisho ku sugnaan doona muddo saddex maalmood ah , wuxuuna ka dib shirka dib ugu soo laban doonaa Caasimadda Dawladda Puntland ee Garoowe.
 
–DHAMMAAD–
 
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com